Baydhabo Somaaliya-{WMN}- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo galabta ka dhacay gudaha Xarunta Gobolka Banaadir, gaar ahaan Hoolka Shirarka, iyadoo uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxa.
Sida warar sheegayaan warar horudhac ah, qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid ismiidaamin ah, halak warar kalena ay tibaaxayaan inuu ahaa mid lagu sii diyaariyay hoolka shirarka.
Xilligu qaraxa dhacayay ayaa la sheegay inuu shir u socday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuxigeenadiisa iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Guddoomiye Yariisow uu soo gaaray dhaawac culus, halka ay jireen qaar kale oo Guddoomiyeyaasha degmooyinka oo iyana la sheegayo in dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray.
Isbitaalka Digfeer ayaa la geeyay dhaawacyada ugu badan dadka wax ku noqday qaraxa ka dhacay gudaha Xarunta Gobolka Banaadir.
Illaa iyo hada waxaa adag in la helo warar sugan, iyadoo daqiiqadba daqiiqada ka dambeysay ay iska soo daba dhacayaan wararka, xaalkuna waxaa uu yahay mid cakiran.