Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay deegaanka Yaaq Baraawe ee Gobolka Baay kusoo bandhigeen laba rag ah oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,kuwaaso isku soo dhiibey Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka koonfur Galbeed.
Goobta Raggan lagu soo bandhigayay waxa ku sugnaa Gudoomiyaha Maamulka degmada Diinsoor,saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Dowladda & kuwa maamulka koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale,Waxana ragga la soo bandhigay ay wateen Hub ay kala yimadeen Dhanka iyo Alshabaab .
Mas’uuliyiinta Maamulka koonfur Galbeed oo Warbaahinta la hadlay Waxaa ay sheegeen in ragan Ay Ka howl galayeen deegaanka Buulo fulaay .
Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in raggasi iyo hubka ay wataan ku wareejin doonaan Wasaaradda Amniga maamulka koonfur Galbeed, iyaga oo ugu baaqay xubnaha kale ee weli ka barbar dagaalama Al-Shabaab inay Ciidamada isku soo dhiibaan.
Si kastaba soo bandhigida xubnaha ka tirsanaa Al-Shabaab ee Gobolka Baay ay kusoo bandhigeen saraakiisha Ciidamada Maamulka koonfur Galbeed weli dhankooda kama hadlin Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.