Shirkan jaraa,id maanta si wada jir ah ugu qabteen Magaalada Baydhabo Wasiirka Wasaarada Xanaanadda Xoolaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo gudoomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo Aadan Carab ayaa kaga Hadley amar Wasaarada soo rugtey oo ku aadan xoolaha la qalayo maalamaha ciidul Adxaa ee nagu soo aadan.
Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha Koonfur Galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed oo ugu horeyn shirka ka Hadley ayaa waxaa uu sheegey in Magaalada Baydhabo lagu qali karin neef baaritaanka caafimaad ee Wasaarada soo marin si buu yiri caafimaadka dadka looga taxadiro.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo Aadan Carab oo qeyb ka ahaa shirka jaraa,id ayaa waxaa uu sheegey in ka maamul degma ahaan amarka wasaarada kazoo baxay inuu sidii loogu talagaley u fulo ay ka shaqeynayaan.
Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Koonfur Galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa sheegey in talaabo sharciga waafaqsan ay ka qadayaan cidii u hogaansami weysey amarkan Wasaarada soo saartey ee ah in qaliin lagu sameyn karin Neef qeybta barista Wasaarada soo marin.
Horey ayaa wasaarada waxay usoo saartey amar ah in kawaanada Baydhabo lagu qali karin neef baaritaan caafimaad soo marin,taas oo horey uga dhaqan galey gudaha Magaalada Baydhabo.