Baydhabo Somaaliya-{WMN}- Inta la ogyahay taariikhda dhow tan iyo markii ay dhalatay xoriyaddii Soomaaliya sanadkii 1960kii waa markii ugu horaysay ee Fannaaniinta KGS ay helaan xarun ay ku hoowlgalaan, isugu yimaadeen, uga sheekaystaan fanka iyo arimihiisa.
Taasi waxaa ay ku dhacday iyagoo waayay cid ku gacan siisa oo dareenta baahida ay qabaan fanaaniinta ee isugu jirta midda Xurumeed, Qalab, dhaqaale iyo dhiiri gelin. Ma jirin siyaasi ama muwaadhin xittaa mar isku dayey in uu fahmo fanka bahidooda guud iyo midda gaar ahaaneed oo isku howlay in uu waxtaro fanka si ay u soo saaraan jiil baddala oo u qareema badbaadada afka, dhaqanka iyo suugaanta dadka dega inta u dhaxaysa labada wabi ee Jubba iyo Shabeelle.
Iyadoo taasi ay jirto ayaa haddana fanka in uu sii jiro waxaa guntiga dhiisha isaga dhigay in uusan dhimman oo uu fanka sii noolaado iyagoo qaba daruufo badan Abwaaniinta iyo qaybaha kala duwan ee fannaaniinta Arlaadi kuwaasoo danahooda gaar ahaaneed uga tegay fanka iyo in uu sii jiro.
Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash, waa Abwaan noloshiisa oo idil u huray fanka oo muddo kabadan 50 sano waligiis aroor u toosin howl isga u gaar ah oo aan ka ahayn fanka dadyoowga uu ka dhashay ee deggan KGS, kuwaasoo halkii ay garab u noqon lahaayeen la garab istaagi lahaayeen hiil iyo hoo mararka qaar dhici jirtay in ay u gaystaan dhibaato mararka qaar ku qaadi jirtay in uu qalbiga iska yiraahdo. “ma iska dhaaftaa fanka iyo daba jooggiisaba oo ma isaga isaga hartaa”. Halkaasna uu ku lumo afkooda iyo suugaantooda.
Balse ma noqon Abwaanka mid isdhiiba, marka uu is yiraahdo waad quusatay oo fankii halkii aad rabtay adigoon gaarsiinin ayaa ka lug bixisay, waxaa uu naftiisa ku sabeen xeri jiray suugaan uu ku cabirayo dadkiisa sida ay uga indho la’yihiin muuhiimadda fanka uu u leeyahay bulshada iyo halka uu doonayo in uu gaarsiiyo fanka iyo walaaca uu ka qabo afka sii dabar go’aya iyo jiilka iman doona waxa ay dhaxlayaan.
Waxaase fanka uu waa cusub u baryey markii madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu la kulmay Fanaaniin uu hogaaminiyey Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash, kadibna kulan saacado qaatay oo ay uga sheekeeyeen baahida fanka.sida loo dhayalsaday iyo cabsida ay ka qabaan haddii uu fanka KGS uu sidaan sii ahaado waxa ummadda degta KGS beri u danbayn doono fankooda, suugaantooda iyo dhaqankooda kadib.
Waxaa uu madaxweynaha balan qaaday in inta uu hogaaminayo KGS, uu ahmiyaddiisa koowaad, labaad iyo sedexaad ka dhigi doono fanka KGS iyo horumarintiisa.
Taasi waxay keentay in ay soo degdegto guusha taariikhiga ah uu hogaamiyaha KGS, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen horseedka u noqday, fanaaniinta KGS kontan sano kadib ka saarto utin ku taagnayd sanooyin nus qarni kor u dhaafaya in ay ka guriyoobaan oo ay helaan hooy ay ku hoowl galaan fanka KGS iyo aayihiisa uga tashadaan. Taasoo qiima weyn ugu fadhida.
Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash ayaa ka mahad celiyey xarunta uu madaxweynaha KGS u kireeyey fanka in ay ku hoowlgalaan inta loo dhisayo dhismo u gaar ah Fanka, Suugaanta iyo dhaqanka KGS ee madaxweynuhu u balan qaaday Fanka inta uu xilka hayo in uu geed gaaban iyo geed dheer u kori doono hirgalinta mashruucaas si uu bahda afmaalka KGS u hilmaansiiyo xumi wixii ay tirsadeen tagtadii ee laabtooda ka go’i weysay.
“waxaan maanta meel dhigay heeryo I saarnayd oo konton sano igu haysay culays, balse Alle mahaddi Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen u ahaatay in uu noqdo mas’uulkii ugu horeeyey ee tabay, taabatay haddana ka damqaday oo u talaabo qaaday in uu na taago halka aan maanta taaganahay oo ah hooy uu madaxweynaha ugu talo galay in ay xarun u noqoto dhammaan inta ku abtirsaya fanka ee ku nool KGS, ee u taagan hirgalinta fanka KGS, in uu la jaan qaado kan adduunka.” Sidaa waxaa yiri Abwaan Tarash.
Waa uu ilmeeyay Abwaan Tarash. Markii uu intaa yiri, waxaa uu ammaan iyo bogaadin aan la soo koobi karin u diray bulshada KGS, oo u sheegay in uu dhashay kacaankii konton sano u halgemiyey oo ahaa in maalin un uu helo mas’uul fikirkiisa ku taageera oo riyadiisa ah horumarinta fanka KGS awood u leh wada kulmaan, si uu dhaxl fiican uga tago jiilka soo koraya ee KG, ee u baahn hiil iyo hoo af, suugaan iyo dhaqan ay dhaxlaan lagu badbaadiyo.
Taarikhdii dheereed ee fanka KGS ka soo martay garab la’aantii ladegtay gudcurkeedi wuu dhacay, ciilkii carada ku beeri jiray ee ka haystay hogaan afkooda iyo fankooda danayn jirin wuu aasmay, waxaa dhashay kacaan fankooda afkooda iyo dhaqankooda horumarintiisa ka shaqaynayo isagoo la gabanayni dharaar cad sheegaya, waxaana hirgalay hankii iyo hamigii Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Tarasha ku taamayey nus qarni, waxaana libintaasi haleelay oo hantay madaxweynaha KGS oo taariikhda u diiwaan gelisay.