Baydhabo Soomaaliya{WMN}-Wuxuu ahaa kulan u dhaxeeyey hogaamiyaasha Amaanka koonfur Galbeed u xilsaaran ee la yiraahdo gudigga nabad geliyada Koonfur Galbeed,waxay soo saareen amar ku aadan in qof askari oo dharka ciidanka wadan hub ku dhax sidan Karin Gudaha Magaalada Baydhabo.
Kulanka marka uu soo dhamaadey waxaa Idaacada Warsan wareysi siiyey oo arintaas uga war bixiyey Janaraal mahad Cabdiraxman Aadan oo ah Taliyaha Booliiska Koonfur galbeed qeybna ka ah gudigga Nabad geliyada ee kulanka yeshey,wuxuu ka hadlayaa amarka manta ay soo saareen.
Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan Taliyaha Booliiska Koonfur galbeed ayaa Idaacada Warsan weydiisey waxaa xiligan keeney iney amar noocan ah ay soo saaraan,waakan isagoo ka jawaabaya Su,aashaas
Dhowr jeer oo hore ayaa Gudigga nabad geliyada Koonfur Galbeed ay usoo saareen Amar noocaas oo kale ah,balse marna uma dhaqan gelin sidii loo rabey oo waxey u badnaayeen amaro fashilmayay,laakin Janaraal Mahad Ayaan weydiiney amarkan hadii uu noqonayo kuwii hore ee fuli waayey iyo in kale.
Gudigga Nabad Geliyada Koonfur Galbeed ayaa ka kooban,Wasiiro,Taliyaasha ciidanka Booliiska,Nabad Sugida,Kan militeriga iyo Maamulka Degmada iyo Kan Gobalka.