Baydhabo Somaaliya,{WMN}- Wasiir Ku xigeenka wasaarada caafimaadka ahna kusimaha wasiirka ayaa maanta kormeer Ku tagey mid kamid ah MCH_yada Ku yaala xaafada wadajir ee magaalada baydhabo.
Ujeedada kormeerka MCH_ka ayaa lagu sheegey inay tahay sidii wasaaradu ay u ogaan laheyd.xaalado dawo la’aan oo mudooyin kii ugu danbeeyey laga soo sheegayey MCH_ka xafada wadajir.
Dr c/lla guure dhaqtarka MCH_ka ayaa ugu horeyn ka war bixinaya xaalada dawo la’aan ee ka jirta xaruntiisa.
wasiir Ku xigeenka wasaarada caafimaadka ahna kusimaha wasiirka cismaan cabdi muuse ayaa balan qaadey wasaaradu ay dhaqsi ugu jawaabi doonto dhibaatooyinka ka jira MCH_ka xaafada wadajir
MCH_ka xaafada wadajir ee magaalada baydhabo ayaa Ku xiran bulshada ilaa iyo 4 kaam oo Ku yaala xaafada wadajir ee magaalada baydhabo