Baydhabo Somaaliya-{WMN}- Maamulka degmada xudur ayaa bilaabay olole nadaafadeed kaas oo lagu nadiifinaayo wasaqda iyo qashinka wadooyinka waaweyn iyo xaafadaha magaalada, si loogu hortago cudurada faafa ee ka dhashan kara wasaqda iyo qashinka.
Ololahan nadaafadda ah ayaa waxaa iska kaashanaya maamulka degmada Xudur,Wasaarada Caafimaadka koonfur galbeed iyo Bulshada degmada.
Godoomiyaha degmada xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa Bulshada ugu baaqay in ay ka qayb qaataan isxilqaanka nadaafaded ee ka socda magaalada xudur isagoona sheegay ololahan in loogu gol leeyahay in loogu hortago cudurada ka dhashan kara wasaqada, sida cudurada keenta kaneecada iyo cudurka shuban biyoodka.