Baydhabo Somaaliya,{WMN}- Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Dowlad Gobleedka KGS ayaa waxaa Tababr ufurtey qaar kamid Shaqqalaha Wasaaradda Shaqada kaasoo oo soconeeyaa mudo afar maalin ah.
Qorshahan ayaa ah mid lagu Dooneeyo sahanka Suuqayada shaqo ee kajiraa Deegaanada Koonfur Galbeedk Soomaaliya ayaa waxaa Tababarkan qeybweyn ka qaatey inay ka hergaliyaan Deegaanada Dowlad Gobvoleedka KGS Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasaaradda Qorsheynta iyo MaaalgashigaKGS oo siwad jir ah uga qeybqaadasneeyaa dib u soo nooleeynta tayada qorsha shaqaalada iyo shaqaaleeysinta Bulshada KGS .
Tababrkan oo ah mid korlooga qaadeeyo aqoonta shaqaalaha Wasaaradda Shaqda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Agaasimaha Wasaaradda Shaqada, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta KGS ,Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowlad Gobpoleedka KGS ,Aqoonyahano iyo Dhalinyarada Tabbabrka loo qabanaayey.
Uga horeyntii ayaa waxaa kahadley Agaasimaha Wasaaradda Shaqad iyo Shaqaalaha KGS Mudane Mahamed Suufi Aden ayaa sheegey in ay muhiimada ay saareyyaan sidii loo hormarin lahaa Deegaanada kgs
Dhanka kale waxaa sidoo kale kahadley Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga kgs mudane ahmed madoowe nuunow ahmedbaashi ayaa waxaa uu sheegey in loo soo wadajeedso sidii loo halilahaa shaqa abuur ku fileyn dhalinyarada KGS.
Gabagabadii Furitaanka Tabarka ayaa waxaa kahafdley Wasiirka Wasaaradda Shaqa iyo Shaqaalaha KGS Mudane Faysal Abdullahi Ali waxaana uu sheegey in Qorshahan uu yahay midkii uga horeyey ee tan iyo burburkii Dowladii dhexe Soomaaliya waxaana loo isticmaaleeyaa qalab asrireysan oo xogtiisa dhameeystiran lagu haanaayo ama lagu keedinaayo warbixinta saxda ah oo kajirta Suuqyada ama Deegaanada ay kunoolyihiin Bulshada.
Wasiirka oo hadlkiisa siiwataa ayaa waxaa uu sheegey in qorshaha sahanka suuqayada uu yahay midk kor uqaadaayo aqoonta iyo xirfada shaqaalaha Wasaaradiisa oo kaduuleeso sidii shaqa abuur ay uga sameeynlahayd dhalinyarada kunool Deegaanada KGS.
Wasaaradda Shaqada iyo Shaqqalaha ayaa wadada dadaalo lagu dooneeyo aqoonta hirfidleeyda iyo sidii xogta Deegaanada KGS ay u ogaanlahayd