Baydhabo Soomaaliya-{WMN}-Dooddan oo ay soo qaban qaabisay Idaacadda Warsan Baydhabo, ayaa waxaa ka qayb galay Xog-hayaha Guud ee Dalladda Ururada Bulshada rayidka ah Cali Cabdulaahi Cali iyo Wakiil Goboleedka Dalada Bulshada rayidka (SOSWENSA) ah Abuukar Cabdi Cabdulaahi iyo Xog-hayaha guud Ururka Suxufiyiinta KGS, (SOWEJA).
Dooda waxaa ay ku saabsanayd qaabka ay u dhici doonto doorashada qaranka ee lagu wado in ay ka dhacdo dalka sanadka 2021 ka oo sharcitadeeda BFS, u magacaabay gudi ka kooban xildhibaanada aqlka hoose si ay uga soo aruuriyaan buld=shada Dowlad goboleedyada fikirkooda ku aaddan shirciyadda doorashooyinka dalka iyagoona marka ay soo dhammeeyaan horgayn doono mudanayaasha aqlka sare si ay u ansixiyaan.
Intii ay dooda socotay waxaa ay dhinacyada dooda ka qeyqaadanayey isku raaceen in doorasho qof it=yo codkiisa ah ka dhici karin dalka, isla markaana aysan bulshada KGS, u diyaarsanayn xiligan in ay ka qeybgalaan doorashadaas oo aysan ka helayn saamiga hadda ay ku leeyihiin kuraasta labada aqalka ee BFS,
Waxaa ay soo jeediyeen in doorashada laga dhigo 4.5, ama lagu sameeyo isbadal qaabkii hore oo laga dhigo mid wax yar ka badalan oo la kordhiyo ergada lagana dhigo mid degmo iyo tuulo laga soo xulayo ergada iyadoo awoodda tirade badan ee odayga beesha ugu sareeyo hadda leeyahay la dhimayo si loo helo doorasho qof kaliya ka fog loo simanyahay midka ugu tun weyn uusan si sahlan ku iibsan karin ergada beesha.