Baydhabo Soomaaliya-{WMN}-waxaa socota aragti aruurin ku aadan qaabka ay udhici doonto doorashooyinka qaranka ee lafilayo in ay ka dhacaan guud ahaan dalka marka lagaaro sanadka 2021 ka oo ah xiliga la qor sheeynayo in markii ugu horeysey doorasho qof iyo cod kiisa ah ay ka her gasho geyga soomaliya tan iyo 1968.
wakhtigaasoo dowladii shacabka soo doorteen melaterigii cinqilaabey dalkuna noqdey midqaatey hanaan kii hanti wadaaga midowga soofiyadkii hormuudka ka ahaa ee sagaashameeyadii jamhuuriyadaha ukala go ogoey .
doorishooyinkan la qorsheeynayo ayaa ah kuwo ay ku kala aragti duwan yihiin bulshada somaliyeed oo qaarba si ay doonayan in ay u dhacdo taasina waxa ay keen tey in godoomiyaha baarlamaanka fidraalka somali uu maga caabo gudi ku meel gaar ah oo ka kooban xildhibaano katirsan aqalka hoose ee golaha shacabka ku waas oo hawshoodu tahay soo ururinta fikirka bulshada ku dhaqan dowlad goboleedyada dalka qaabka ay doo nayaan in ay u dhacdo doorashooyinka soo aadan.
gudigani oo lugtii ugu horaysay ku soo gaaray Magaalada Baydhabo, ayaa kulamo waxaa ay la qaatay madaxda KG, iyo qaybaha ururada Bulshada iyagoona ka aruuriyey fikrkooda ah qaabka ay u wajahayaan doorashooyinka qaranka iyo sharciyadeedaw
kani waa wasiirka arimaha gudaha KG, Maxamed Abuukar Cabdi. waxaa uu warfidiyeenka laga wadaagay gudiga kulamadii ay la yesheen wasiirada iyo bulshada rayidka iyo talooyinkii ay la wadaageen.
. aragti ahaan waxaa muuqata in aysan jirin is aaminaad iyo kalsooni buuxda oo ay KG, qabi karta marka laga hadlaayo si guud ahaaneed doorasho qof iyo codkiisa ah, taasoo laga dareemi karo hadalka wasiirka arimaha gudaha KG, mar ay warfidiyeenka weydiiyeen su’aal ahayd waxa ku jaban haddii doorashooyinka ku dhacaan qaabka qof iyo codkiis ah.
wal walka la qabo ayaa ah, hindise sharciyeedkii doorashooyinka ay ku soo gudbisay wasaaradda arimaha gudaha DFS, ee golaha wasiirada ay ansixiyeen oo aan nuqaladiisa wali la soo bandhigin ee golaha shacabka horyaala in ay ansixiyaan waxa uu yahay iyo saamaynta uu ku yeelan karo qaababka ay Soomaalida wax ku dooran jirtay dowladihii tan hadda jirta ka horeeyey.
gudigaan kumeel gaarka ah ee loo magacaabay aruurinta afkaarta bulshada Soomaaliyeed ee shirciyada doorashooyinka qaranka ee ka kooban xildhibaanada aqalka hoose, ayaa marka ay dhameeyaan aruurinta aragtida bulshada lagu wadaa in ay horgeeyaan golaha shacabka aqalka sare oo kadibna sharciyadaasi la gelin doonaa go’aamita qaabka ay u dhici doonto doorashooyinka qaranka.