Baydhabo Soomaaliya-{WMN}-Waxaa dhamaaday wareegii shanaad ee Tafsiirka Qur’aanka kariimka oo kabixi jiray radio warsan maalin kasta 4:30 oo galabnim rugaal celiskiisuna ahaa 8:30 oo fiidnimo marka laga reebo maalinta jimcaha ah tafsiirkaas oo idiin Aqrinayey Sheekh Xasan Cabdulaahi Isxaakh (Sheekh Xasan Gaab)
Tafsiirkaan oo gaar u ah warbaahinta warsan oo duubista,kaydinta iyo baahintaba lahayd ayaa markasta oo dhamaada waxaa qadadka teleefonada loo furaa bulshada ku taxan tafsiirka iyo Shiikha si bulshada ama dhegaystiyaasha ay shiikha iyo radiyaha warsan ugu sheegaan dersiyada ay u baahan yihiin in loo soo gudbiyo.
Shiikh Xasan Gaab iyo dhagaystiyaasha oo Qadka telefoonka idaacada lasoo geliyey ayaa waxaa dhexmaray dood ku saabsan Tafsiirkii kabaxay idaacada iyadoo dhanka kale dhagaystiyaashana ay Shiikha ka codsaday in loo soo gudbiyo deriyo kale oo diini ah iyo in markale loogu celiyo dersiga Tafsiirka ah.
Ugu dambeeyn dooda oo garwadeen ka ahaa weriye Muxidiin Xasan Maxamed Xusni ayaa warbaahinta warsan ugu mahad celisay Shiikh Xasan Gaab iyo dhagaystiyaasheeda ku taxan dersiyada diiniga ah eek a baxa radiyaha.