Baydhabo Somaaliya-[WMN}-Sanadguuradii 21aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa laga xusay magaalada Baydhabo, iyadoona ay ka soo qaybgaleen madax iyo mushtamac lagu casuumay munaasabadda iyo fanaaniin iyo Abwaano kala duwan eek a tirsan bahda mu’alifiinta iyo af-maalka KGS.
Xuskan oo ay sanadkan taabagelisey CAMEL FOREX TRADING, ayaa ahaa mid guud ahaan ka dhacay geyiga Soomaaliya meel walba oo ay joogaan Abwaaniinta Soomaaliyeed guud ahaan geyiga Soomaaliya, ayaa KGS, Soomaaliya ay iyaduna qayb ka ahayd, waxaa laga xusay Baydhabo oo ay ka dhacday Xarunta Fanka KGS, oo uu hogaamiyo Abwaanka weyb ee Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash.
Furitaankii munaasabadda waxaa hadalo kooban oo ka hadlayey fanka iyo Abwaanka kaalinta uu ku leeyahay bulshada iyo u qareemidda hadba marxaladda ay ku suganyihiin iyadoo abwaanka uu ku cabirayo hal’abuurka maansada uu curiyo iyo tabahooda ka soo jeediyey Maxamed Jimcaale (Bitiyeey) oo ah midka koowaad eel eh aqoonta muusikida iyo noocyadeeda ee haatan ku sugan deegaanada KGS, gaar haan magaalada Baydhabo.
“waxaan u soo joogay annoo wiil yar ah, oo uu macalin ii yahay Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash, waa macalin kayga igu soo barbaariyey fanka iyo fagaaraha murtida Soomaaliyeed lagu soo bandhigo, waa abwaan hibooyin badan leh oo xaqiiqdii fanka KGS, iyo kan dalkaba kaga jira kaalimaha hore oo waayo badan u soo dhabar adeegay horumarinta fanka iyo fanaanka oo uu illaa maanta ku guda jiro iasagoo waliba hadda uu waqti adag ku jira wali dabada hayo in uu sii barbaariyo fan iyo jiil cusub sida kuwa hadda uu xaruntan ku barbaarinayo”. Sidaa waxaa ka yiri munaasabadda M<xamed Jimcaale (Bitiyeey).
Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash oo hadlay ayaa kor istaagay ujeedadii loo aasaasay golaha Abwaanada Soomaaliyeed 21 sano ka hor, taasoo uu sheegay Abwaanka in ay ahayd xili Abwaanada Soomaaliyeed ay sii dhammaanayeen oo afkiina u muuqday mid sii dabar go’aya loona baahday in la hello golo mideeya Af-maalka oo badbaadiya afka iyo dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed maadaama dalka iyo dadkaba uu noqday mid burburay oo ay baaba’een dhammaan akedeemiyadihii lagu kaydinayao afka iyo dhaqanka.
Taasi waxay sababtay in ay afmaalada ttashi iyo talo ku gooyaan in golaha sanadkiiba mar isu yimaado si intii nool ay wax qoran uga keenaan afkii iyo dhaqankii inta sanadkaas wixii la soo aruuriyeey, waxaana ay horseeday in golihii ku guulaysto meel marinta ujeedooyinkii loo unkay.” Sidaasi waxaa yiri Abwaan Tarash.
Agaasimaha Telefishinka Koonfur Galbeed, Cumar Mustafa Nuur, oo isna munaasabadda hadalo ka jeediyeye ayaa ku ammaanay xuska iyo istuwinta maalintan ku astaysan 21 sano guurada Abwaanka Soomaaliyeed, isagoo agaasimaha si gaar ah ugu ammaanay kaalinta la’ilaabi karin uu Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash ka soo qaatay Fanka Soomaaliyeed, taaso lagu garwaaqsan karo ayuu yiri waxa gabay iyo hees ee Abwaanku curiyeey ee maanta laga dhagaysta guud ahaan Soomaaliya oo uu agaasimaha sheegay in ay gaareen hertr luuqada kale lagu tarjumo oo ay murti badan kala baxaan khubaro ka cilmiyeysata murtida caalamka.
Muxudiin Xasan Maxame Xusni. Gudoomiyaha Ururka suxufiyiinta KGS, ahan gudoomiye ku xigeenka 1aad ee ururka suxufiyiinta Qaranka ee FESOJ, waxaana uu ereyo kooban oo aad u murtiyeysan ku yiri.
“Waxaa farxad inoo ah in aan maanta kala soo qayb galno bahda fanaaniinta iyo Af-maalada Soomaaliyeed xuska maalinta Abwaanada taasoo ayuu yiri gudoomiye Xusni in ay tahay maalin ku weyn dhammaan af-maalka Soomaaliyeed oo ay wariyayaasha qayb ka yihiin ayuu yiri Mr. Xusni”.
Xuskan oo sanadkiib mar la qabto ayaa KGS, u tahay ayaan iyo nasiib ay kala qayb qaadato 21 sano guuradii Golaha Abwaanada Soomaaliya, iyadoo sanadkaana ay markii ugu horaysay ka dhacdo xarunta Abwaanada iyo fanaaniinta KGS, oo uu maamulo ka yahay Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash oo kooxo isugu jira Gabdho iyo wiilal dhalinyaro dhiig cusub ah uu ku tababarayo si ay u qaadaan fanka iyo fagaaraha murtida lagu soo bandhigo ee abwaan Tarash iyo kuwa isaga la da’da ah ay ka soo gaboobayaan si jiilka danbe loo gaarsiiyo afka iyo dhaqanka suugaanta ku cabiran ee Golaha Abwaanada Soomaaliyeed loo unkay basbaadadiisa.