Baydhabo Somaliya -[WMN}-15 kii December 2018kii, waxaa ay ahayd maalintii hadal jeedinta musharixiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa ay ahayd maalin mushaeax walba uu ka horsheegayey mudanayaasha KGS, hortooda hadal beer laxawsi iyo uurjileecsi lagu xardhay oo musharaxa codka kalsoonida doonaya uu ku shukaansanaey xildhibaanada si ay u siiyaan codka kalsoonida.
Hadalada la jeediniyey intooda badan waxaa ay ahaayeen kuwo olole doorasho lagu galayey oo afka baarkiisa ah, hayeeshee taarikhda waxba ma hambayso, hadal iyo qoraal wixii dhacaa weey kaadisaa dibna weey u soo dhigtaa si ay u go’aamiso musharixii alle u nasiibay in helo kursiga wixiii uu balan qaaday hadal jeedintiisii wixii uga fulay mid iyo labo balanqaadyadii uu sameeyey.
Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Toban bilood maanta ka hor waxaa isagoo musharax madaxweyne Maamulka Koonfur Galbeed uu hortegaey golaha Baarlamaanka KGS, isagoo ka codsanaya in ay siiyaan codka Kalsoonidooda taasoo haddii ay dhacdo uu balanqaaday in uu wax ka qaban doono intaan oo qodob.
Haddaba maxaa ka dhaboobay balanqaadyadii madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen in uu samaynayo ka horsheegay BKGS, oo hadda xiligiisii dhammaaday oo iayagaba loo sheegau in ay kala tagaan oo doorasho dib u soo galaan.
Sided qorsho siyaasadeed waxaa ay ahaayeen kuwii uu madaxweynaha KGS, ku balan qaaday xildhibaanada hortooda toban bilood ka hor, kuwaasoo ahaa qorshe siyaasadeed aad u wanaagsan oo haddi wax un ka hirgali lahaayeen KGS laga dareemi lahaa isbadal muuqda oo waxtar u leh Bulshada KGS.
Yaase isweeydiiyey inta isu yimid maxay u dhaqan geli waayeen is yiri, madaxweynahase isaga ayaaba balan qaadaye markii uu xilka raadinayeye, maxaa uu mid iyo laba wax un uga fulin waayey, mise wuu fuliyaye inagaan arkaynaynin oo iska indha tirayna.
Si ay u cadaato bal aan dulmar ku samayno qodobadii ku jiray qorshe siyaasadeedkii madaxweynaha berigii uu xil doonka ahaa, eek u jiray khudbadiisii uu ka jeediyey golaha wakiilada KGS, hortooda waqti hadda la joogo sanad laba bilood iyo dhoowr maalmood la’a.
- Amniga
- Kobcinta dhaqaalaha
- Garsoorka
- Dib u heshiisiinta
- Qorista iyo ansixinta luuqadda maayga
- Ku dhiiri gelinta qurba joogta maalgashiga KGS.
- Wanaajinta xirrirka Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada
- Dhisidda xukuumad loo dhanyahay
- Kaalinta baarlamaanka xasaanadooda, amnigooda xuquuqdooda iyo muddo kordhin
Sideeddaas qodob waxaa ay ahaayeen kuwa aad ay ugu sacab tummeen xildhibaanadii dhagaysanayey, hayeeshee maalintaas wixii ka danbeeyey doorashadii loo dareeray kadib waxaa ku soo baxay madaxweyne Cabdicasiis, wixii intaa kadib ahaa waraaqdii ay ku qornaayeen halkii la dhigay lagama soo qaadin dibna la iskuma weeydiinin.