Baydhabo(WMN) Gudoomiyaha BFS, iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa soo gaaray Baydhabo. Waxaana Garoonka diyaaradha Shaati-gaduud ku soo dhaweeyey madaxweynaha , Gudoomiyaha iyo qaar ka tirsan xubnaha labada gole ee Baarlamaanka iyo wasiirada KGS.
Soo dhaweynta oo ahayd mid heer sare ah, waxaa labada gudoomiye iyo wafdigii la socday la soo qaaday madaxtooyada KGS, halkaasoo ay uga warbixiyeen warfadiyeenka ujeedka socodkooda Baydhabo.
“waxaan u imaanay Baydhabo in aan soo booqano Dowlad goboleedka iyo shacabkooda oo xiriir wada dhalasho iyo dhaqan uu kala dhexeeyo Bulshada ku dhaqan Dalka Jabuuti”. Sidaas waxaa yiri gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Maxame Cali Xaamud.
Gudoomiyaha BFS, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa la filayaa in uu ka qeeb galo Kol-fadhiga Sideedaa ee Golaha wakiilada oo ka furmaya Baydhabo maalinta beri si ay goob jog uga ahaadaan.
Halkan hoose ka dhageyso Warka:-