Baydhabo Somaaliya-{WMN}-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qayb ka ahaayen Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo xildhibaanada labada Dal ayaa maanta gaaray Beeraha duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen,guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur-galbeed iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo ku soo wareejiyey wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka si ay u arkaan qayraadka Beeraha Deegaanada KGS iyo sida ay ugu haboon yihiin maalgashi.
Intii ay ku sugnaayeen duleedka magaalada Baydhawa wayxay u kuurgaleen Dalagyada kabaxa beeraha iyo dhulka caro sanka ah ee beerashada ku fiican iyo xoolo dhaqashada.iyadoo masuuliyintuna halkaas ku cabeen Dhaaydii Geela oo markaas laga lisay geela.
Gudoomiyaha baarlamaanka jabuuti mudane Maxamed cali xaamud ayaa maanay barwaaqada taalo KoonfurGalbeed sida xoolaha iyo beeraha oo hadii tabac lageliyo xaqiiqo tahay in qof waliba dheef sanaayo isagoo dhanka kale balanqaaday Dowlada jabuuti ay Dowlad Goboledka koonfur galbeed somali ka taageeri doonto horumarinta qayraadka Badda iyo Beriga kgs.