Baydhabo Somaliya-{WMN}-Dood ku saabsan ka hortagga Xag-jirmimada iyo kor u qaadida Nabadda ayaa lagu qabtay Idaacadda Warsan, waxaana ka qeeyb qaadanayey Doodda Culimada Deegaanka iyo haween isugu jira kuwo u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada iyo kuwo kala hogaamiya haweenka xaafadaha iyo kuwa degmada Baydhabo.
Sheekh Xasan Yuusuf Xuseen (Sheekh Xasan Dooyoow) , Sheekh Ibraahim Macalin Cabdi oo ka mid ah culimada Magaalada Baydhabo, ayaa labadaba waxaa ay kor istaageen Xagjirnada, waxaana ay ku sheegeen in ay tahay mid siyaabo kala duwan loo macnayn karo oo leh wajiyo badan.
“Xag-jirnimada waxaa la dhihi karaa mid leh sifooyin macna ahaan iyo erey bixin ahaan kala duwan, marka ay xag-jirnamada tahay midda xun ee lagu banaysanayo dhiigga iyo hantida bulshada iyadoo loo cuskanayo diin, waxaa ay noqonaysaa mid u baahan in laga hortago iyadoo culimada ay samaynayaan wacyigelin iyo digis si loo baabi’iyo nooc walba ku salaysan xag-jirnimada xun ee dadka lagu leeynayo”. Sidaas waxaa Dooda ka yiri Sheekh Xasan Dooyoow oo ka mid ah Culimada ugu caansan Degmada Baydhabo.
Xaawo Sokor Cali, oo ah Gudoomiyaha Haweenka Degmada Baydhabo, oo dooda kula jirtay, Faadumo Mursal Liibaan oo ah Gudoomiyaha haweenka Xaafadda Wadajir, iyo Barwaaqo Xaaji Maxamed Cali, ayaa sidoo kale iyagana waxrry sheegeen in nabadda marwalba haweenka ka yihii hormuud oo la’aantood nabadda noqonayn mid caga adag ku taagan, waxayna intaas ku dareen in xag-jirnimada ay keenayso shaqa la’aanta baahsan ee hayso dhalinyarada.
Dhammaantood ka qeeyb galayaasha dooda isku raacee, si looga hortago Xag-jirnimada, nabaddan Kor loogu qaado, tahay marka hor in dowlad goboleedka iay xil iska saarto dhisidda hannan garsoor oo bulshada u caddaalad fala oo arimaha ay isku qabsanayaan ee ay ka mid yihiin dhulalka, Beeraha iyo hantida ma guurtada ah u kala xukumo, taasoo badanaa ay ka dhashaan isku dhacyada nabadda wax yeelaynaya.
Dooda waxaa ay ku soo dhammaatay iyadoo dhinacyadii doodayey ay bidhaamiyeen waxyaabo badan oo laga xusi karo sida:- s isqabqabsiga hantida guurtada iyo ma guurtada, Garsoorka , Shaqo la’aanta baahsan ee haysata dhalinyarada ,ciidanka amniga iyo musuqmaasuqooda iyadoo la samaynayo hagaajin xiriirka bulshada, oo ay wada sheegeen doodayaashii in ay muhiimad gaar ah u leedahay ka hortagga iyo faafista fikirka xag-jirnimada ah iyo ammaan xumida nabadda iyo xasiloonida bulshada dhibaataynaysa.