Xili ay bilaawdeen Roobabkii Deerta, ee fasalkaan oo maalmihii la soo dhaafayna si fiican uga da’ay Baydhabo, ayaa durba waxaa soo ifbaxaya sameynta uu ku yeeshay barkacyaasha degan duleedka Baydhabo, kuwii horay u deggannaa iyo kuwa cusub ee dhowaan soo gaaray.
Waxaa ay ka simanyihiin kuligood dhibaatada gurya xumada ee ah in aysan haysan meel ay roobka kaga gabadaan oo xaalkoodu yahay Alloow sahal u baahanayn ka sheekayn balse muuqata, dhibicda Roobka isku si ay ugu wada da’daa, sare jog ayuu waaga ugu wada baryaa iyagoo dhuraya biyo meel ay u daadiyeen jirin itaal iyo taak daro baday in ka soo dhuraan gudaha aqalada, deeyrkana ku daadiyaan dibna uu ugu soo noqdaan biyihii ay seeyreen iyagoo qulqul kuwii hore ka badan wata oo daruuro cusub biyahood ku soo darsameen.
Isxaaq Macalin waa hor joogaha kaamka Haluul iyo Harqaan, oo ah K aam cusub oo dadka ku jira dhawaantaan ka soo barakacay deeganadoodii kadib markii ay dhafeen xoolihii miyiga ay ku dhaqanayeen iyadoo horayna uga quustay dalag beeraha ugu soo go’ kadib markii labadii xili ugu dambeysay ay abaarsadeen beerahoodii, waxaana Isxaaq codsanayaa in gargaar deg-deg ah lala soo gaaro barakacayaashan cusub aqaladii balanbaalka ahaa ee ay ku gabanayeen daadku ugu soo galay.
Biyaa dhax waran cooshadaha ay degan yihiin oo ka sameysan Ullo, Maryo iyo Kartoomo ay ku dabdabeen xargo si ay u guryeystaan, iyagoo xiligii ay dhisayeen ay u muuqatay inay kaga gabbadaan Cad Ceedda, iyagoo naawilaayey in ka hor Roobka ay Bacaha roobka laga gallo kaheli doonaan hay’adaha gar gaarka ka shaqeeya ee UN ka Kuwa caalamiga ah iyo maamulka degmada Baydhabo, kadibna ay kaga gaashaaman donaan roobka.
Hayeshee sida ay qorsheynayeen waxba uma aysan dhicin, gar gaar dayee booqasho looguma imaan, iyadoo xiligii ay filayeen in curan doonto Deerta 14 Octoobar ay waqtigeedii ka soo hormartay.
Hada oo xaalku ku xunyahay, rajo mooyee hoo maheyaan, in ay hadlaan ugu yaraan bal in warkooda lamaqlo ayay is tuseen. Waxay donayaan ayaa ah, kol haddii ay afka furteen warkoodii warbaahinta baahisay ayaa ah hadalkooda oo la ajiibo cabashadooda oo la maqlo muuqooda oo loo damqado iyo cidlada oo loogu gar gaaro.