Baydhabo Somaliya-{WMN}-Dooda ayaa ku saabsanayd sida waxbarashada gabdhaha loo xoojin karo isla mar ahaantaasna looga dhigi karo waxbarashadooda mid la mid ah tan wiilasha, waxaana dooda ka qayb galay haween wax ka dhiga laba Iskuul oo ay wax ku bartaan gabdho kaliya oo ku yaala magaalada Baydhabo.
Su’aalaha Waxbarsha
- Waa siddee xaalada waxbarshada gabdhaha deegaanka?
- Isbarbar dhig farqiga u dhexeeye waxbarshada gabdhaha waagii hore iyo maanta?
- Siday u arkaan waalidku/Bulshada Soomaaliyeed waxbarida gabdhaha?
- Waa maxay doorka guurka degdegga ku leeyahay waxbarashada gabdhaha?
- Faqriga doorka uu ku leeyahay waxbarashada gabdhaha?
- Aqoon darrada waalidka saameyn ma ku leedahay waxbarashada gabdhaha
- Maxaa ka jira in aysan Gabdhuhu waxbarashada jeclayn
- Sidee wax looga qaban karaa caqabadahaas?
- Ma jiraan iskuulo u gaar ah waxbaridda gabadhaha?
- Sidee sare loogu qaadi karaa waxbarshada gabdhaha?
Kuwani waxaa ay ahaayeen su’aalihii la weeydiiyey haweenkiii macalimiinta ahaa eek a qeeb galay doodad kuwaasoo kalaahaa.
- Xaliimo Maxamaed Cabdi ( Ex Cabdalla Deeroow) Maaulle ku xigeenkii haddana ka ah bare
- Quresho Cali Maxamed Macalin School (Cabdalla Deeroow)
- Fadumo NuurYaroow Macalin Iskuulka Hoowl-wadaag)
Waxaa ay sedexdoodaba wada sheegeen in ay kawada go’antahay tayeynta waxabarashada gabdhaha, taasoo ay sheegeen in waqti badan soo geliyeen oo ay tan iyo sanadkii 2004 tii oo la bilaabay ka shaqeeysiinta Iskuulka Cabdalla Deeroow illaa iyo maanta, gaar ahaan Qureesho iyo Xaliimo, waxaa ay sheegeen in Faadumo oo maanta dooda kula jirto ay ka mid tahay gabdhihii ay Iskuulka wax ku soo bareen aadna ay ugu faanayaan in maanta ay dood kala qeeb qaadato iyadoo macalin ah.
Tani waxaa ay ahayd natiijooyinkii lag dhaxlay dooda oo laga bartay heerka waxbarashada Gabdhaha Baydhabo uu marayo iyo doorka haweenka macalimiinta ah ay ka soo qaateen waxbarashada gabdhaha iyo halka ay marayso.
Xaliimo iyo Qureesho oo ka jawaabayeey su’aal ahayd bal in ay ka warhayaan gabdho Iskuulka wax ku bartay oo kaalin kaga jira qeeybaha shaqooyinka kala duwan ee Hay’adaha , Maamulka iyo Dowlada iyo ururada bulshada.
Waxay soo qaateen dhoowr gabdhood oo ay ka mid tahay Shukri Ismaaciil Axmed (Shukri Bidhaan) oo madaxa wararka ka ah Radio Warsan, isla markaana wakil wareed u ah uga ah Baydhabo TVga RTN, ee xaruntiisu tahay Nairibi, iyo gabdho kale oo ka hoowlan ka shaqeeynta waaxyo iyo wakaalado kala duwan ee dalka iyo dibadda, kuwaasoo dugsiga hoose waxbarashada uga bilaabeen Xaliimo iyo Quresho Iskuulka Cabdalla Deeroow Isaaq.