Baydhabo Soomaaliya-{WMN}-Kulanka Oo ahaa mid looga hadlaayey Amniga iyo Xasiloonida Guud ahaan Degmada Baydhabo,ayaa waxaa lagu Qabtey Xarunta Dowlada Hoose ee degmada baydhabo,
Waxaa ka soo qeyb galey Gadoomiyaha Maamulka degmada baydhabo Ahna Duqa Magaaladda Xasan macalin ahmed Biikoole Iyo Ku xigeenadiisa,Gadomiyaha Maamulka Gobalka Bay Gadoomiyaha Cuururka Xaweenaka Degmada Baydhabo Iyo Dhamaan Gadomiyaasha Xafadaha Magaalada Baydhabo.
Kalanka Oo Mudo qaatey ayaa intii uu socodey Waxaa Si aad ah loo gorafeeyey Amniga iyo Sidii xasilooni looga dabaali lahaa Degmada Baydhabo,
Gadoomiyaha Uururka Xaweenka Degmada Baydhabo Marwo Xaawo sokor ali ayaa waxaa ay ku dheeraatey in xaweenka Koonfur galbeed ay marwelba Diyaar u yihiin In ay ka shaqeyaan Amniga Degmada Baydhabo.
Gadomiyaha Maamulka degmada baydhabo ahna Duqa Magaaladda mudane Xasan macalin ahmed Biikoole Ayaa dhankiisa waxaa uu la dardaaramey Dhamaan Gadomiyaasha Xafadaha Degmada Baydhabo Waxaana uu sheegey In Degmadan ay ubaahan tahay isbedel muuqada,
Xasan macalin ahmed Biikoole Gadomiyaha degmada baydhabo ayaa dhanka kale Ku amarey Gadomiyaasha Xafadaha Magaalada Baydhabo in Gadoomiye kasta xafadda uu masuulka ka yahay uu ka Xiro Leerar Si Xaafad welba oo kamid ah Xafadaha Magaalada Baydhabo loo sugo Amniga guud ee Degmada Baydhabo.
Gadomiyaha Maamulka Gobalka Bay cali Wardheere Oo asna Qeyb ka ahaa Kulanka ayaa ka hadley sida keli ah oo dib looga soo celin karo Bilicda Degmada asagoona Gadoomiyaasha Xafadaha Magaalada u sheegey in ay muhiim ay tahay In hal meel looga soo wada jeesto Amniga Degmada Baydhabo.
Kulankan manta Gadoomiyaasha Xafadaha Magaalada ay la qaateen Maamulka Cusub Ee Degmada ayaa Waxaa uu wax badan ka bedeli doona Guud ahaanba Amniga iyo Xasiloonida Degmada Baydhabo.