Muqdisho(WMN)_Waxaa si lama filaan ah dib loogu dhigay muxaadaro uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal ku qaban rabay magaalada Muqdisho, sababtuna kuma saabsana muran shalay Khamiistii hareeyay arrimha la xiriira muxaadaradaas.
Sababta rasmiga ah ee dib loogu dhigay muxaadaradaas oo uu cinwaankeedu ahaa (Waxyaabaha keena musiibooyinka, sida looga hortagi karo iyo sida xal loogu heli karo mark ay dhacaan) ayaa lagu sheegay inay tahay aaska maanta oo Jimce ah 22, November, 2019 magaalada Muqdisho loogu sameynayo Almaas Elman, oo Arbacadii geeriyootay.
Sheekha ayaa ku mashquulay Janaasada meydka haweeneydaas, kaasoo lagu sameeyay masaajidka Isbahaysiga Islaamka, salaaddii Jimcaha ka dib.
“Jaanasada walaasheen Almaas Elman Alle ha u naxariistee waxaa lagula tukan doonaa Masjidka Isbahaysiga salaadda Jimcaha keddib. Khudbada waxaa maanta ku qoran Sheekh Maxamed Cabdi Umal, isaga ayaana Janaazada hoggaamin doona Insha Allaah”, sidaas waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed.
Maalinta Axadd ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 24-ka bishan November ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto muxaadarada, sida uu BBC-da u sheegay Sheekh Umal qudhiisa.
Dib u dhaca ayaa kusoo aaday xilli Khamiistii shalay si weyn baraha bulshada la iskula dhex marayay muuqaal uu soo duubay Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Soomoow, kaasoo uu ku mucaaraday muxaadaradaas.
Xigasho-Bbc.com/somali.