Diinsoor(WMN)_Guddomiyaha Degmada Diinsor ee Gobolka Baay Mudane Abdisalaan Xaaji Siidow ayaa Maanta Kormeer ku tagey goobaha wax barashada Degmada Diinsor sida Iskuulka weyn ee Degmadaasi.
Wuxuna Maamulka Iskuulka ka dhageystay warbixin ku aadan qaabka uu ushaqeyo iskuulka iyo Baahiyaha ka jira, Madaama degmada diinsoor ay ka mid tahay degmooyinkii laga saaray kooxda al shabaab iyagoona markii laga saraayay horey ay u bur buriyeen xaruumihii loogu adeegaayay bulshada degmada diinsoor sida waxbarashada, caafimaadka iyo goobo kale.
Wuxuna Guddomiyaha Uu ballan qaadey in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga soo jawaabi doonan bahiyaha gaarka ah ee ka jira iskuulka iyo xarumooyinka kale.
Dhanka Kale Guddomiyaha Degmada Diinsor ee Gobolka Baay Mudane Abdisalaan Xaaji Siidow ayaa kullan la qaatey ganacsatada Degmada diinsor isagoona kala hadley sidii qeyb weyn ugu qaadan lahaayeen Horumarka iyo Amniga Degmada Diinso ee Gobolka Baay.
Degmada diinsoor waxay ka mid tahay degmooyinka katirsan gobolka baay ee Kg sida aadka ah usameyay xirnaanshaha waddooyinka gala ama kabaxa oo ay goyeen kooxda al shabaab muddo sanado ah.
Halka Hoose Kadaawo Sawirada: