Baydhabo(WMN)_Wasiirka Wasarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Abdullahi Abdirahman Ibraahim( Baardheere) iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Shariif Abdullahi ayaa magaalada Muqdisho ugu qayb galay kulan wadatashi ah oo looga arinsan doono arimaha Diinta oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowladda Federalka ayna kasoo galeen wasaaradaha Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Dowlad Goboleedyada Dalka, Culimada diinta iyo dadweyne tiro badan.
Shirkan waxaa furay Wasiirka wasaaradda Xilhibaan Sheekh Nur maxamed Xasan, waxaa goobjoog ka ahaa awasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cusmaan aadan dhubow, wasiirada dowlad goboleedyada dalka ee Hirshabelle, Koonfur galbeed, Jubbaland, Puntland iyo Galmudug.
Sidoo kale waxaa shirka kasoo qeybgalay agaasimaha Guud wasaaradda awqaafta iyo Arrimaha Dinta Mudane cumar faaruuq sh Cabdicasiis iyo Agaasimayaasha wasaaadaha diinta dalka iyo culumo waaweyn oo dalka dhan ka kala yimid.
Shirkan ayaa waxa uu socon doonaa muddo 3 beri ah oo ka bilaabanyso maanta oo Axad ah ilaa maalinta talaadada ah ee foodda inagu soo hayso.
Halka Hoose Kadaawo Sawirada: