Baydhabo_(WMN)_Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Gollaha Wakiilada KGS ayaa maanta Magaalada Baydhabo Tababar uga furey Gudiga Xaquuqda aadanaha oo isugu jira Xildhibaano Barlamanka Dowlada Federaalka ,Hiirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasi oo ku saabsan Dhiirigelinta iyo Ilaalinta Xaquuqda Aadanaha ayigoo laga Eegayo xaga Jinsiga .
Tababarkan oo socondoono Mudo saddex maalin ah ayaa waxaa lagu bareyaa ka hortaga had gudubyada ka dhaqanka ah xuquuqul aadanaha ,
Gudoomiyaha gudiga xuquuqul adanaha Baarlamaanka Soomaaliya Xaawo Ahmed yuusuf oo ugu horeen Furitaanka Tababarka ka hadashey ayaa faafahisey Ujeedada tababarka Iyo Mudada uu socon doonno.
Xasan Abdi Mohamed Wasiirka wasaradda Warfaafinta Wacyigelinta Bulshada Dowlad Goboleedka KGS ayaa Xildhibanada ka kala socda Baarlamanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Hiirshabeelle,kusoo dhaweyay Baydhabo.
Guddomiye Kuxigeenka Koowad ee Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamednur Macalin
Mohamed ayaa Si rasmi ah udaha furey Tababarka, isagoona Xildhibadana ku booriyay in laga soo saaro wax badan oo lagu difacayo hadgudubka Xuquuqul insaanka .
Halka Hoose Kawaado Sawirada: