Baydhabo Somaaliya-{WM}-Wararka ka imaanaya degmada Buulo Burte ayaa sheegaya in bannaan bax rabshado wata uu saaka ka dhacay degmadaas, kaddib markii dadka deegaanka ay ka soo hor-jeesteen maamul cusub oo dhowaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle u magacaabay Buulo Burte.
Dadka deegaanka ayaa bannaan bax ka dhigay bartamaha magaalada, iyagoo dhagxaan iyo taayaro ku gubay, waxaana ay ka soo horjeedaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo ay ku eedeeyeen inuu sabab u yahay xiisada maamul ee muddooyinkii u dambeeyay ka jirtay degmada.
Hadaba warkaas Baladweyn waxaa warsan uga soodiray Wariye Bashiir C/lahi Cusmaan