Xudur(WMN)_Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed ayaa Idaacada warsan u Sheegey in Degmada Xudur aysan kajirin Maxkamad waxaana uu sheegey in Degmada laga Bilaabey Barnaamij is Xilqaan ah oo 15kii Bishii aynu soo Dhaafney Novenbar ay Bulshada iyo Maamulka Degmada Xudur ay ka bilaabeen Halkaasi si loo dhiso Maxkamada Xudur.
Gudoomiye Maxamed Macalin Axmed ayaa Sheegey in ay sidoo kale wadaa Qorshayaal kale oo Dib loogu Dhisaayo Xaruumo badan oo ku yaala degmada.
Ugu Danbeyn Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin ahmed ayaa ugu Baaqeyn Bulshada Laamaha Amniga iyo Madaxda Sare in ay isala wada Shaqeeyaan si Guulo loogu Gaaro Amniga.
Hadalka Gudoomiyaha Degmada a Xudur ayaa imaana iyadoo Dhawaan Degmada Xudur uu Booqasho ku yimid Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Dowlad Goboleedka KG si uu u soo Dhiso Garsoorayasha Maxkamada Gobolka Bakool iyo kuwa Degmada Balse Degmada aysan ka jirin Wax Maxkamad ah.
Halka Hoose Ka Dhageyso: