Wararka ka imanaya degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in goor dhow qarax miino lala eegtay guddoomiyihii degmadaas Maxamed Yarow isagoo ku dhintey qaraxaas.
Lama oga illaa iyo hadda nooca qaraxa lagu diley guddoomiye Yarow hase yeeshee waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaraxan guddoomiyaha gobolka Shabelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ku sugan degmada Aw-dheegle ayaa waxa ay bilaabeen howlgalo lagu baadigoobayo ciddii ka dambeysay qaraxan.