Baydhabo Somaliya-{WMN]- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa la kulmay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee James Swan.
Kulankan oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Madasha xisbiyada ayaa waxaa loogaga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen helitaanka doorasho xor iyo xalaal ah oo la isla ogolyahay, wada hadallo dhab ah oo dhexmara saamileyda siyaasadeed oo ay kamid yihiin Maamul Goboleedyada, Xisbiyada, Dowladda, iyo joojinta faro gelinta Ciidanka Ethiopia ee arimaha gudaha Somalia.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dhawaan sidoo kale la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamamota,isaga oo u gudbiyey in marnaba aysan ogoleyn in dowladda hadda jirta waqti ku darsato,diirashada lagu qabto waqtigeeda.