Baydhabo Somaliya-{WMN}-Waxaa jira boqolaal Kaam oo ku yaala gudaha iyo duleedka degmada Baydhabo, kuna noolyihiin inka badan 300, 000, oo Qooys wax gargaarka ah helin sanado oo la dhiban xaalado nolol xumo cidi uga garaabayn. Tiiyoo shirarka ay ku kulmaan hay’adaha ka shaqeeya gargaarka ee isugu jira kuwa UNka iyo NGO’yada Caalamiga ah sheegaan in ay malaayiin doolar sanadkiiba ku bixiyaan gargaarka bani’aadanimo, haddanna ma muuqato hoowshaas iyo dhaqaalahaas oo barakacayaasha ayaa beeninaya.