Baydhabo Somaliya-{WMN]- Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka tirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Baarlamaankan uu sii shaqeynayo inta laga soo dhisayo Baarlamaanka 11-aad ee soo socda.
Jawaari oo maanta hadal ka jeediyay kulankii Golaha Shacabka oo looga doodayay sharciga Doorashooyinka Qaranka, oo ay soo diyaariyeen Guddiga Baarlamaanka ee Doorashooyinka, ayaa sheegay in Baarlamaanka uu sii fahdinayo.
Arrintan ayuu tilmaamay ineysan micneheeda eheyn iney mudo kororsi sameysanayaan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, balse ay tahay waxa laga fogaanayo inuu firaaq dhoco, hadii Baarlamaankan uu iska kala tago iyadoo aan la soo sameyn midkii bedeli lahaa.
“Baarlamaankan wuu fadhinayaa ilaa Baarlamaanka kale uu yimaado, hadii doorasho ay dhici weyso wuu joogayaa, mudo kororsi maaha, wuxuu diidayaa inuu firaaq dhoco, firaaq haduu dhoco wareer ayaa dhacaya, micneheeda waxaa waaye doorasho ma dhicin Baarlamaankan wuu fadhinayaa” ayuu yiri Jawaari.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii labaad waxey ka doodeen Sharciga Doorashooyinka Qaranka, iyadoo lagu wado in Sharciga ay ansaxiyaan kulankooda xigga, ee lagu soo dari doono ajandaha waxyaabaha ay ka doodayaan.