Baydhabo(WMN)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Abdullahi Warsame Duufaan ayaa Daahfurey Kulanka Farsamo iyo Xog iswedaarsiga Agaasimiyaasha Guud Wasaaraddaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Kan Dowlada Federaalka Somaaliya kaasi oo Maanta ka Furmay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Kulanka ayaa lagu Wadaa Maalmaha Uu Socdo in looga Hadlo Arimo Dhowr ah oo la Xariira Dastuurka Dalka iyo Wadashaqaynta Wasaaradda Dastuurka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.
qaar kamid ah Agaasimiyaashii ka Qeybgalay Kulanka ayaa ku dheeraday ka hadlida muhiimada ay leedaha Wadatashiga Dastuurka Dalka.
Agaasimaha Guud Wasaaradda Dastuurka DFS iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay Muhiimada Kulankan.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Dowlad Goboleedka Kg Abdullahi Warsame Duufaan ayaa Si Toos ah ufurey Kulanka Waxaana uu Bogaadiyey ka qeybgaliyaasha kulanka inay ku Dadaalan kulankan Sidii ay uga soo Bixi lahaayeen Qodobo wax ku ool ah.