Cudurka Coronovirus oo ka dilaacay dhowr toddobaad kahor dalka Shiinaha ayaa tirada dadka u dhintey ay gaareen 560 ruux,halka uu soo ritey cudurku dad gaaraya 28,000 ruux.
Illaa lixdan malyan oo ruux ayaa ku jira karantiil kuwaasoo badankood jooga magaalooyin ku yaal dalka Shiinaha.
Dalalka kale ee caalamka ayaa waxaa cudurkan lagu arkay illaa 25 dal waxaana uu soo ritey wadamadaas illaa 250 ruux halka labo ruux ay u dhinteen cudurka.
Kumanaan ruux oo saaran maraakiib ku xiran dekedo ku yaal Japan iyo Hong Kong ayaa loo diiday inay ka soo degaan kadib markii qaar ka mid ah rakaabka lagu arkay cudurkan Coronoviruska.
Labo carruur ah oo ku dhalatay magaalada Wuhan oo ah halka markii ugu horeysay lagu arkay cudurkan ayuu ku dhacay cudurka iyadoo kan ugu yar ilmahaasna laga helay cudurka 30 saacadood kadib markii uu dhashay.
Warbaahinta Shiinaha ayaa shaacisay in dhakhtarkii cudurkan ogaaday markii ugu horeysay uu isla cudurkan u dhintey.
Dr Li Wenliang ayaa la sheegay inuu ku dhintey Wuhan balse markii dambe ayaa la beeniyay warka iyadoo la sheegay in dhakhtarku uu weli nool yahay balse uu hayo cudurka.
Dr Li ayaa ka digey cudurkan 30kii December 2019 balse waxaa loo sheegay inuu aamuso oo uusan faafin akhbaartaas.
Madaxa hay’ada Caafimaadka Adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa caalamka weydiistay lacag gaareysa $675m si loo caawiyo dalalka uu cudurkan saameeyay.
Dhakhaatiirta caalamka ayaa wada haatan dadaalo lagu doonayo in loo helo dawo amaba tallaal cudurkan lagula tacaalo.