Tan iyo markii ladoortay golaha degaanka degmada xudur ee xarunta gobolka bakool oo hada ay jirsadeen labo sano ayaa maamulka degmada iyo shacabkooda waxaa ay wadaan sidii looga shaqeyn lahaa oo loo hormarin lahaa xaruumaha loogu adeego shacabka ayaa waxaa si deg deg ah ku socdaan howlahaasi.
Maamulka degmada iyo shacabka oo ay sameyeen isku ttashiyo badan ayaa waxaa laga bilaawey xaruumo badan in lagu dhiso si isxilqaan ah si ay u soo muqdaan wax ay dhisteen maamulka iyo shacabka degmada xudur.
Maxamed Macalin Axmed wuxuu in badan gudoomiye kazoo ahaa degmada xudur kadib doorashadii golaha degaanka degmada xudur doorasho ay sameyeen ayaa dib ugu soo laabtay maamulka degmada xudur.
Gudoomiye Maxamed Macalin Axmed ayaa waxaa uu sharxaad ka bixiyay kadib doorashadiisa waxyaabaha uu qabtay iyo isbedelka hada kajirta degmada xudur ee xarunta gobolka bakool.
Isbitaalka guur ee degmada xudur waa isku xiraha tiirka xaruumaha caafimaad ee shanta degmo ee ka kooban yihiin gobolka bakool mudo waxaa uu soo maray marxaalado kala duwan dhaqatiir, daawo iyo qalab caafimaadba.
Sida uu sheegaayo gudoomiye Maxamed Macalin Axmed isbitaalka guud ee degmada xudur labo sano ka hor siduu ahaa hada wuu ka duwan yahay waxaana uu qabanayaa adeegyada caafimaad ee ubaahan shacabka degmada iyo kuwo kale, lakiin gudoomiyaha ayaa sheegay in baahida kaliya kamuuqata ay tahay in isbitaalka loo helo raajatada lagu baaro dadka.
Halka hoose ka dhageyso codka, W: Q Siid Cali Muuse Ateera.