Wasiirka Qorsheynta ayaa maanta shir gudoomiyey shir looga hadlaayey mashruuc deegaan loogu sameynayo dadka barakacayasha iyo kuwa dib usoo laabtey ee ku sugan degmada Baydhabo.
Waxaa shirka kasoo qeyb galey qaar kamid ah golaha wasiiradda konfur galbeed wasiirka caafimaadka, Waxbarashada, Tamarta & biyaha Gudomiyaha gobolka Bay, Duqa degmada Baydhabo, Gudomiyaha gudiga barakacayaasha & qaxootiga hay’adaha UNHCR, INTERSOS, WFP, FAO & kuwo kale.
Kulankaan wuxuu qeyb ka’ahaa dadaalo ay wadey wasaarada Qorsheynta ee konfur galbeed somalia dedaaladaasi oo xal-waaro loogu raadinaayo dadka barakacayaasha ee degan Baydhabo.