Baydhabo-{WMN}-Ali cadow Hillowle waa Aabe haysta todobo Caruur ah oo dhiktaan dugsi qur’aan iyo iskuul hasa yeeshee markii uu la dhacay Xanuun aan lagaraneen waxbana looga qaban waayey baydhabo waxaa rajo dhigay caruurtiisa, Shukri Cali Cadow waa gabadha ugu weyn reerka waxay si dareen ay ku jirto nooga warantay xaalada aabaheeda waxayna tiri waxaan ahay arday iskuul fasalka labaad ayaan dhigata iyo dugsi qur’aan laakin hada waxaa ila soo darsay arimo aan ka gudbi Karin sababta oo ah Aabe wuxuu inoo ahaa mishear bixiye iyo biilka guriga manta see waa kan inta yaala oo aan shaqeeyn Karin ayay tiri,
Horaantii bishi Oktobar Sanadkii dhamaaday 2019 ayaa xanuunkan la soo darsay waxaa la ii sheegay in la geeyey dhowr isbitaal oo ku yaala baydhabo balse waxba loogu qaban waayey aana la haynin dhaqaale dalka dibidiisa ama Xamar loogu qaado,
Gaabay Hassan Macalin waa haweenayda uu qabo waxayna inoo sharaxaysaa xaalada seygeeda oo hada ah ruux nafiay ku jirto balse dhaqaaq sameyn Karin waxayna si murugo badan u taxliilisay waxaa reerku ay qabaan,
Ninkayga waxaa uu ku shaqeysan jiray gaari dameer ama kareeto waxaan u hayaa todobo (7)caruur ah kuwaasi oo noolashooda uu kaafin jiray tan iyo markii xanuunkan xaleelay waxaan geynay dhowr isbitaal oo ku yaala baydhabo ha yeesha waxba waa loogu qaban kari waayey guriga waa kana ad hada u jeedo wax dab ah lama shidin manta odigayga oo reerka gacanta ku haayey waa kan meeshan jiifa aniga ayaa jiifiyo oo soo fadhiisiyo baaldigan hortiisa yaalo ayuu ku saxroodaa habeenki looma joogi karo catowgiisa ama qayladiisa waxaana umadda muslamiinta ah ee soomaaliyeed ka dalbanaynaa inay nagu caawiyaan sidii loogu heli lahaa goob caafimaad maadaama aan haysan wax dhaqaalo ah oo aan isbitaal ku gayno sidaasi waxaa yiri Gaabay Hassan Macalin Ibraahim oo ah haweeneyda uu qabo cali cadow Hilowle.
Tan iyo markii uu xanuunsaday Ali Cadow hilowle reerkiisa waxaa wheel ay u noqdeen murugo taasi oo ay ugu wacan tahay noolasha qoyska oo aad u liidata halka markii hore kareeto ama gaari dameer ugu xamaalan jiray manta see aan la haynin dadaalkiisa,waxaa uu jiifa sariir joodariga uu ka dhamaaday dhinac iskuma gedin karo waxaa taasi u sii kasii daran waa la jiifiyaa waana la toosiyaa qolka uu ku jiro waa cooshado qabowga iyo kuleelka midna kama celin karo
Muuqaalka Aabe Ali Cadow Hilowle waa mid aad la ashqararayso oo ayna u sii dheer tahay xanuunka iyo lahowga habeenki waana mid hada u baahan in muslamiinta oo dhan ay u wada gurmadaan siwax loogu qabto xaaladiisa caafimaad Ilaah ayaa caafimaad bixiyee,
Kala xiriir Cali Cabdow Hiloole Telkan, 0612110768 – Ama +252612110768,
Q/w Mohamed Adam Socdaal.
arag sawiradaan,