Wasiirka wasaarada alinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboldka koonfur galbeed Mudane Cali Maxamed Cali oo maalmahaan asiga iyo wefdi uu hogaaminaayo safar shaqo ah ay ku jogaan degmada xudur ee xarunta gobolka bakool ayaa waxaa uu kahadlay shaqooyinka iyo hormarada dhalinyarada degmadaasi ay kahayaan.
Wasiirka ayaa maalmahaani waxaa uu kulamo kala duwan laqadanaayay dhalinyarada degmada xudur kuwa isbortiska iyo lashaqeyaan maamulka degmada.
Goobaha uu wasiir Cali Dhuux uu booqday waxaa kamid ah wadooyinka laga soo galo degmada halkaasi oo ay kusugan yihiin dhalinyaro iskugu jiraan raga iyo dumar kuwaasi oo si isxilqaan ah halkaasi ugu qabanayaan baaritaano ay ku sameynayaan dadka soo gala degmada si ay u xaqiijiyaan amniga degmada taasi oo ay qeyb weyn ay kaga qataan.
Wasiirka dhalinyarada kg Cali Dhuux ayaa intii uu joogay mid kamid ah wadooyinka ay ka socdeen baaritaanka ayaa waxaa lakulmay habeenay ay sidita wiil yar oo jira 9 bilood xiligii ay dhalasay ay kusugneed wadada iyadoo gudunaysay waajibaadkeeda, wasiirka ayaa sheegay tani in ay tahay wax ku deyesho mudan.
Halka hoose ka dhageyso codka.