Gudoomiayah degmada diinsoor ee gobolka baay ee koonfur galbeed Abdisalaan Haaji Siidow (Abdisalaan Diyaar) ayaa sidan ayaa waxaa uu kahadlay weerer ay ku qadeen deegaanka Kurmaan oo katirsan degmada diinsoor oo halkaasi si dhumaleysi ay ku jogeen kooxda al shabaab.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in werarkaan ay ku qadeen degaanka kurmaan in ay ku dileen todobo ruux sida uu xaqiijiyay Abdisalaan Diyaar gudoomiyaha degmada diinsoor.
Sidoo kale gudoomiyaha waxaa uu sheegay in hada degaanka kumaan ay ku sugan yihiin ciidamada xooga dalka soomaaliya iyo ciidanka dowlad goboleedka koonfur galbeed, wuxuuna tilmaamay in dadka ku nool degaanka kurmaan dhibaato badan ay kala kulmayeen kooxda al shabaab sidaasi darteeda maamulka uu go`aansaday in dhibkaasi laga dulqaado shacabka degaankaasi.
Degmada diinsoor ee gobolka baay ayaa waxay kamid tahay degmooyinka u godoonsan kooxda al shabaabka mudo sanado ah taasi oo sabab u noqotay in shacabka ku nool diinsoor iyo degaanada katirsan ay xaalad bini`aadinimo ah ay galaan sidoo kale waxay sameyeen waxbarashada, caafimaadka iyo hormarada kale ee degaanka.
Maamulkii kan ka horeeyay dadaalo badan uu sameeyay ayaa waxaa uu degmada kusoo dabaashay in shacabka ay ku noladaan kaliya amni buuxa lakiin mudo sanado ah tan iyo markii degmadaasi laga saaray kooxda la shabaab ayaa waxay la kulantay xaalado kala duwan.
Gudoomiayah degmada diinsoor ee gobolka baay ee koonfur galbeed Abdisalaan Haaji Siidow (Abdisalaan Diyaar) oo ah gudoomiye ku imaaday doorasho ay ugu codeyeen golaha degaanka ee degmada diinsoor, sidaasi ay tahay ayaa shacabka degmada diinsoor waxay ka mar sugayaan waxyaabaha uu degmada ka bedeli doono.
Halka hoose ka dhageyso codka W|Q| Wariye: Siid Cali Muuse Ateera.