Dhalinyaradu waa jiilka soo koraaya ee bulsha kasta, waana indhaha iyo mustabalka mushtamac walba. Dhalinyaradu waxay muhiim u yihiin wadanka oo idil, waana sababta bulshooyinka caalamku ay doormuhiim ah uga ciyaaraan kobcinta jiilalka soo koraya iyaga oo laga dhisayo dhinac walba sida caafmaadka, waxbarashada, madadaalada iyo maaweelinta iyo kobcinta maskaxdooda iyaga oo sidoo kale loo tababaraayo qofkasta iyo waxa uu ku fiican yahay.
Dhalinyaradu waxay ka qayb qaadataa dhisida iyo hormarka dalkasta oo aduunka dushiisa saran, wadankastana wuxuu ka hormarsan yahay wadan kale intuu ka dhalin yaro fiican yahay ama ka dhalinyaro hormarsan yahay.
Dhalinyaradu waxay rabtaa waxbarasho, shaqo,hormar iyo caafimaad iyo aragti dheer oo siyaasadeed in loosameeyo.
Gudoomiyaha dhalinyarada degmada xudur ee xarunta gobolka bakool Nuur Mursal Liibaan oo wareysi sinaayay warbaahinta koonfur galbeed ayaa wuxuu sheegay in dhalinyaradu mar weliba ay u taagan yihiin hormarinta degaankooda asigoona sheegay in ay ka qeyb qataan dhanka caafimaadka iyo waxbarashada.
Dhanka kale gudoomiye Nuur Mursal ayaa timaamay in dhalinyarada degmada xudur ee xarunta gobolka bakool xiligaani ay u baahan yihiin in laga caawiyo dhanka shaqaleysiinta iyo adeegyada kaleba.
`inkastoo dhalinyarada degmada xudur maalin iyo habeen ay utaagan yihiin in ay u adegaan bulshadooda hadana degmadu malahan shaqooyin ay ku wada shaqeysan kara dhalinyarada kuwa waxbarteen iyo kuwa kale aan waxbaranin ee u baahan in ay xirfadooda gacmaha ay ku shaqeystaan” Ayuu yiri Nuur Mursal Liibaan Gudoomiyaha ururka dhalinyarada degmada xudur.
By:Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera)