Wasaarada maaliyada dowlad goboleedka koonfur galbeed sanad kasta waxaa ay diyaarisaa misaaniyadii ay ku shaqeyn laheed sanadkaasi si loogu adeego bulshada iyo qeybaha kale ee xafiisyada dowlada.
Sanadkii lasoo dhaafay ee 2019 wasaarada maaliyada dowlad goboleedka koonfur galbeed waxaa ay diyaarisay lacag dhan sideed milyan oo dollar taasi oo gaartay in ilaa iyo tobon iyo labo milyan ay kor u kacdo sidii ay qorsheynaysay wasaarada ay ka sara marto ilaa iyo %40.
Wasiirka wasaarada maaliyada dowlad goboleedka koonfur galbeed Axmed Maxamed Xuseen ayaa waxaa uu sheegay in sanadkaani 2020 in misaaniyada ay gaarsiyeen 17 milyan oo dollar kuwaasi oo kazoo xaroon doonto dowlada faderaalka soomaaliya iyo hay`adaha deeqbixiyaasha ah.
Lacagta wasaarada maaliyada dowlad goboleedka koonfur galbeed sanad kasta ay soo xarayso waxaa qeyb kamid ah lagu bixinayaa adeegyada bulshada sida in lagu taageero iskuulada dowlada xaruumaha caafimaadka wadooyinka IWM ah.