Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in dad shacab ah ay ka barakaceen, qaybo ka tirsan gobolkaasi, kadib fatahaad uu sameeyay webiga jubba .
Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ay ka barakaceen qoysas fara badan, ka dib markii uu da’ay roobkii gugga, isala markaasina ay karkaaradda jabsadeen biyihii webiga.
Dadkan shacabka ah ee uu saameeyay fataahadda webiga Jubba, ayaa dalbanaya in gargaar deg deg ah lala gaaro.