Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay kulanka 4-aad ee Doodaha looga hadlayo habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya uga gudbi karto marxalada kala guurka,kaas oo lagu qabtay Garoowe.
Kulanka oo ay kasoo wadashaqeeyeen Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Hay’adda PDRC, waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland , Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo Senator Faroole, Senator Cabdirisaaq Juurile, iyo xubno kale.
Waxaa kulanka looga dooday hanaanka Doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi karta, Iyadoo lagu saleynayo caqabadaha iyo fursadaha jira, Doodaha noocan oo kale ah ayaana la sheegay inay sii socon doonaan illaa ugu danbeyn ay kasoo baxdo aragtida Puntland ee nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta.
Madaxweynihi hore ee Puntland cabduweli Gaas ayaa sheegay in Madaxda hadda Soomaaliya xukunta si aysan mudada u kordhisan waa in la helo dad hortaagan,sidoo kalena uu sheegay in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo Cod ah.