Madaxweynaha Soomaaliya Maxamd C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Labada aqal ayaa la kulmay qeylo iyo sawaxan, oo lagala hortagay hadal jeedintiisa kalfadhiga.
Madaxweynaha ayaa markii uu bilaabay khudbada iyo salaanta ayaa waxaa ku bilowday buuq iyo oorin ay kala hor-tageen Xildhibaano ku kacsan, kuwaasoo qaarkood yeerinayay firimbi.
Sidoo kale Xildhibaanada kale ayaa xusuusiyay Madaxweynaha inuu waqtigiisa dhamaad yahay, waxaana ay u muuqataa in khudbada Madaxweynaha carqaladeeyay, muddo 10 daqiiqo ayaa sawaxan iyo buuq uu ka dhex socdaa gudaha Xarunta Villa Hargeysa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ah markii u horeysay oo uu cadaadis toos ah kala kulmo Baarlamaanka, tan iyo intii loo doortay xilka, waxaana khudbadiisa maanta ee Kalfadhiga 7aad ku wareegsan xaalado kala duwan oo ay dad badan ka dhursugayaan, maadaama muddo xilleedka Baarlamaanka uu dhamaad yahay