Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ah Senator ka tirsan Aqalka sare ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inay isla go’aamiyeen Guddigii Wadajirka labada Aqal in 7 Kursi ee Aqalka sare loo qoondeeyay matalaada Gobolka Banaadir in lagu qeybsado nidaamka 4.5.
Senator Dufle ayaa sheegay in guddigaas ay labo qodob markii hore soo jeediyeen, oo ahaa in 54 xubnood ee Aqalka sare loo qeybsado si siman, laguna saleeyo 18 gobol, sidoo kale qodobka labaad oo ahaa in 54 xubnood ee Aqalka sare la furo oo la badiyo, isagoo xusay in qodobka labaad la isku raacay.
Waxaa uu sheegay in la isla soo qaaday soo jeedin ku saabsan 7 xubnood in la siiyo Gobolka Banaadir oo ah mataalada Aqalka sare.
“Waxaa rabaa in aan halkan ka caddeeyo in aysan jirin wax aan isla go’aaminay ama aan soo saxiixnay oo ah in 4.5 halagu qeybsado 7-da kursi ee Gobolka Banaadir, ma jiraan wax aan soo saxiixnay, 7-daas kursi waxaa is ka leh deegaanka Banaadir, Baarlamaanka in loo gudbiyo ayaa isku raacnay oo labada Aqal ah”ayuu yiri Prof. Dufle.
Doodo badan ayaa ka dhashay 7-da kursi ee loo qoondeeyay Gobolka Banaadir mataaladda Aqalka Sare, kaasoo maalmihii u dambeeyay warar soo baxayay ay sheegayeen in la soo bandhigay in lagu qeybsado nidaamka 4.5, taasoo ay ka soo horjeesteen siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo.