Qaar ka mid ah Xildhibaannadii maanta buuqa iyo sawaxanka ka abuuray furitaankii kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa eedeyn u soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo.
Xildhibaannadan ayaa kalaaa Xildhibaan Xasan Yare, Senator Iftin Xasan Baasto iyo Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegay Madaxweynaha aanu ka hadlin dhibaatada dalka ka jirta, iyo xaalada dhabta ah.
Waa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha in aanu ka hadlin dhaqaatiirtii dhalinyarada aheyd ee lagu laayay deegaanka Gololey arrinta Kiiska Badda oo mugdi badan uu ku jiro.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu damac ugu jiro muddo kororsi, isla markaana uu ka been sheegay waxyaabaha dalka ka dhacay.
Xildhibaan Xasan Yare ayaa sheegay in Khudbada uu jeediyay Madaxweynaha aanay aheyn mid la jaan-qaadeysay xaalada dhabta ah ee uu dalka marayo, isla markaana maamul goboleedyada uu ciidamo ku daabulayo, midnimadii dalkana ay meel xun mareyso sida uu yiri.
Khudbadii furitaanka ee Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay kalfadhigii 7aad ayaa la carqaladeeyay, iyaddoo muddo 10 daqiiqo uu Baarlamaanka isku bedelay fowdo iyo sawaxan, kaddib markii Xildhibaannada qaar ay ku buuqeen khudbadiisa, kuna orinayeen, qaarkood waxay wateen firimbi