Wararka laga helayo deegaano ka trsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka Deegaanada Ceyr daye iyo miira jibaale oo ku yaalla xadka Gobolada Hiiraan & Galgaduud uu ka bilaawday dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay s sheegeen in dagaalka uu daba coday dagaal xalay ka dhacay deegaanada Ceyr Daye iyo Miira jibaale kaas oo sababay dhimashada 2 qof, iyo dhaawaca tiro kale.
Labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamaya ayaa waxaa la sheegay inay yihiin dada xoolo dhaqato ah oo dhul isku heysto,kuwaas oo dagaalkooda uu yahay mid soo laab laabta,waxaana jirtay in dhowr jeer la sameeyay dadaalo lagu doonayay in lagu xaliyo balse aan lagu guuleysan.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la soo sheegayaa in uu ka dhashay dagaalka Maanta,waxaana dadka deegaannada lagu dagaalamayo qaarkood ay sheegayaan inay weli maqlayaan rasaas ay isku ridayaan labada aleeshiyo beeleed.
Mas’uuliyiinta Maamulada Gobolada Hiiraan & Galgaduud weli kama hadlin dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday deegaano u dhaxeeya Gobolada Hiiraan & Galgaduud ee Maamulada Hir-Shabelele iyo Galmudug.