Wasaaradda caafimaadka drawled Goboleedka Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso ka furtay shaybaarka lagu baaro caabuqa Covid19.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa maanta magaalada boosaaso kaga qaybgalay daahfurka shaybaarkan oo laga daahfuray qayb ka mid ah cisbitaalka Boosaaso.
Wasiirka ayaa bogaadiyay in maanta uu boosaaso ka furo shaybaarkaan lagu baarayo Covid19 kaas oo noqonaya kii labaad oo ay ka hirgaliyaan Puntland, uuna qayb ka qaadan doono baaritaanka dadka xanuunka laga baarayo kaasi oo maanta wixii ka danbeeya laba shaybaar lagu samayn doono.
Wasiirka ayaa ugu danbeyn uga mahadceliyay Cid kasta oo ka qaybqaadatay helitaanka shaybaarkaan sida dawlada Emaratka Carabta, Hay’dda WHO iyo WV.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacanta ku hayso in magaalada Galkacayo laga hirgaliyo shaybaarka saddexaad taas oo ka dhigi doonta in saddex shaybaar oo casriga laga hirgaliyo Puntland