Madaxweynaha Golaha Guud Qaramada midoobey wuxuu sheegay in hogaamiyaasha adduunku aysan u imaan doonin New York shirkooda sanadlaha ah dhamaadka dabayaaqada Sebtember markii ugu horeysay taariikhda 75 sano ee qaramada midoobay jirtay.
Tijjani Muhammad-Bande ayaa ku sheegay shir jaraa’id in uu rajaynayo in uu ku dhawaaqo labada toddobaad ee soo socda sida 193 madaxda iyo dawladdu ay uga jeedin doonaan khudbadooda ku aaddan qodobbada maxalliga ah iyo kuwa adduunka inta lagu jiro kulanka loogu yeero doodaha guud.
“Hoggaamiyaasha adduunka ma imaan karaan New York maxaa yeelay shaqadooda kuma imaan karaan shaqsi ahaan,Madaxweynuhu kaligii safrin maayo, hogaamiyayaashu kaligood safri maayaan sidoo kalena Suurtagal maahan in wufuud balaaran loo geeyo magaalada New York inta lagu jiro cudurka Covid 19″ ayuu yiri Madaxweynaha.
Gollahan ayaa isu keeni jiray kumanaan mas’uuliyiin dawladeed, diplomasiyiin iyo wakiilo ka kale ka socon jiray ururada bulshada, waxana dhici jiray asbuuc hadal jeedin ah, iyo kullamo kale,balse sanadkan ayaa suura-gal in 100 wakiil kaliya ay madashaas xaadirto.
June 26 bishan ayaa sidoo kale golaha u bilaan lahayd dabaal dega markii ururka la dhisay 1945 oo laga jooga 75-sano, balse Coranavirus awgiis ayey u baaqanayaan.