Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal iyo Guddoomiye Kuxigeenka 1aad C/weli Ibraahim Muudeey ayaa goor dhow gaaray xarunta Madasha Xisbiyada Qaran, halkaasoo kulan albaabada u xiran kula leeyihiin Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.
Kulankan ayaa daba socda kulankii maalin ka hor Madaxweynayaashi hore la qaateen Guddoonka labada Aqal, iyagoo farriin ugu dhiibey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku saabsan mowqifka Madasha ee doorashada.
Guddoomiye Mursal oo uu markaan wehliyo Guddoomiye kuxigeenkiisa C/weli Muudey ayaa farriin ka wada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo la wadaagaya Madaxweynayaashi hore.
Kulanka kaddib ayaa la filayaa in shir jaraa’id ay qabtaan Madaxweynayaashi hore iyo Guddoonka Golaha Shacabka oo ay uga hadlaan kulamadooda.
La soco wixii ku soo kordha