Masuuliyiinta dalka Turkiga ayaa amray in xabsiga ladhigo illaa iyo 149 ruux oo lasheegay in ay xiriir laleeyihiin wadaadka mucaaradka ah ee Fatxullah Gulaan.
Sida ay warisay wakaalada wararka ee Anadolu (Anadool) xeer beegto fadhigoodu yahay goblka ku yaalo galbeedka dalkaasi ayaa horay u amartay in lasoo xiro illaa iyo 74 ruux oo ay qayb kayihiin illaa iyo 6 taliye booliis hore.
Shaqsiyaadkan waxaa lagu eedeenayaa ku lug lahaanshadooda afganbii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay sanadkii 2016 balse markii danbe fashilmay