Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo ku sugan magaalada Xudur ee xarunta Bakool oo uu shalay gaaray ayaa mar labaad beeniyey war laga faafiyey maamulkiisa oo ahaa nin Koonfur Galbeed ay carqaladeysay shir dhex mari lahaa dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, isagoo taas bedelkeed ku dhawaaqay marti-gelinta shir ay isugu yimaadaan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sheegay in hadda kadib gogoshii ay Koonfur Galbeed qaaday oo Baydhaba ay dhigayaan, isla markaana uu rajeynayo in mar aan dheereyn ay gogoshaas isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee lagu eedeeyay inay carqaladeeyeen sababna uu maamulkiisu u ahaan in uusan qabsoomin, uusanba gaarin heer ay carqaladeyso Koonfur Galbeed, isla markaana loo xil saaray guddi farsamo oo haatan gacanta ku haya.
Dhanka kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xalay ku hoyday Xudur, ayaa kulan dheer magaaladaas kula yeeshay maamulka degmada, saraakiisha ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Wararka aan ka helnay kulankaas waxa ay sheegayaan in madaxweyne Lafta Gareen uu si qota dheer saraakiishaas ugala hadlay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobolka Bakool oo magaalooyinkiisa xorta ah ay Al-Shabaab go’doon geliyeen.