Mowliid Xuseen Guhaad guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa diiday go’aan goor dhow kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ee looga hadlay go’aano dhowr ah.
Waxaa uu ku eedeeyay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi in uu jabiyay xeer hoosaadka Golaha Aqalka Sare.
Waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay jooggaan 12 Senetor oo kaliyah, islamarkaana la doonayay in ay matalaan Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare, laakiin Gudoomiyaha Aqalka Sare uu taa badalkeeda qabtay kulan Zoom ah.
Guhaad ayaa ka mid ah xubnaha xiriirka wanaagsan leh Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana uu rabay in kulan wadajir ah loo qabto labadda Aqal sidda uu sheegay.
Aqalka Sare ayaa war saxaafadeed kasoo saaray kulan ay maanta yeesheen Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo looga hadlaayay Xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo sidoo kale Shaqooyinka Aqalka Sare horyaalla.
War saxaafadeedka Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare ayaa lagu sheegay Goluhu uu leeyahay kaalin dastuuri ah isu keenista Madaxda Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleedyo, si looga arrinsado loogana heshiiyo hannaan lagu meel marinayo xaalada kala guurka ah.